Yaa bixinaya dhaqaalaha Doorashooyinka Soomaaliya ? (VIDEO)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas.