Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay inay dileen 70 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab

Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay ku dileen in ka badan 70 ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay Ciidamada ka soo hooyeen guulo la taaban karo dagaal ka dhacay gobolka Sh/dhexe.

“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Alshabaab markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, maadama ay ciidamadu ku howlanyihiin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Hase yeeshee dagaalka ka dhacay Warta Jilaable ayaa qasaare ka soo gaaray ciidamada Xoogga dalka waxaana ka mid ah askartii ku dhimatay taliyihii guutada lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid