Denmark oo masaafurinaysa dadka magangalyo-doonka ah

Baarlamaanka waddanka Denmark ayaa ansixiyey sharci waaxda socdaalka u oggolaanaya in ay u mustaafurin karto dadka magangelyo-doonka ee ku sugan dalkooda, kuwaas oo ka yimid waddamada ka baxsan Yurub.

Hay’adaha u dooda dadka qaxoontiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in Copenhagen ay laasho xeerarkaas.

Xeerkan waxaa riixayey xisbiga diidan dadaka magangaliyo doonka ah Megen ee ay hoggaamiso Ra’isul Wasaaraha dadlkaas Mette Frederiksen.

70 xildhibaan ayaa sharcigan u codeeyey, halka ay diideen 24 xildhibaan khamiistii.