Madaxweynaha Puntland “Soomaaliya marxalad adag bay maraysaa” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilliggaan mareyso meel halis ah, oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabad qado-sharaf oo ka dhacday khamiistii magaaladda Qardho, ayaa xusay in dalku uu ku dhici doono godweyn, hadii la fulin waayo heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu gaaray todobaadyadii lasoo dhaafay.