Qaramada Midoobay “2.83 Milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa wajahaya xaalad adag”

Abaaraha iyo roob yarida ka jirta meela kamid ah Soomaaliya ayaa ku riixeysa in ka badan 2.73 milyan oo qof in ay soo wajahan dhibaatooyin dhanka nolosha ah,sidaasi waxaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd ka dhawaajiyay xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA) .

UN (OCHA) ayaa sheegtay in roobabkii sannadlaha ahaa ee horaantii gu’ga ay xilli dambe ka da’een qaybo ka mid ah dalka oo inta badan ka hooseeya celcelis ahaan sidii la doonaayey,taasina ay dhalisay in ay saameeyaan dalaggii la filaayey in ay soo go’aan.

Xafiiska ayaa sheegay in illaa bisha Setembar ee soo socota ay suurtagal tahay in dad gaaraya 2.73 milyan illaa 2.83 milyan oo qof oo ku baahsan Soomaaliya inay la kulmaan dhibaatooyin xagga nolosha ah ama natiijooyin ka sii xun oo ay sab u yihiin xaaladaha kasii daraya ee sugnaanta cuntada.

Xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA),ayaa sheegay in ka jawaabidda bani’aadanimada Soomaaliya ee 2021-ka ay u baahan Tahay 1.09 bilyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu caawiyo 4 milyan oo qof ,waxaana intaa la raaciyay in hadda oo kaliya la maalgaliyay 20 boqolkiiba.