Wasiirka Waxbarashada Puntland oo lagu soo dhaweeyay degmadda Xaabo (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawaladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Tababarada iyo Farsamada gacanta Abdulaahi Axmed Mohamud oo howlo shaqo ujooga Gobolka Garadfuu ayaa lagu soo dhaweyeey deegaanka xaabbo oo Hoostagta degmada Caluula.waxaa wafdiga wasiirka soo dhaweeyey waxgarad, nabad-doono, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Cabdullaahi ayaa kormeer kutagay goobaha waxbarashada ee deegaanka isagoo warbixinno ka dhagaystay masuuliyiinta dugsiyada waxbarashada, dhanka kalana wasiirku waxa uu kormeeray dugsiga sare ee Xaabbo oo ay wasaaraddu dhisme cusub ku dartay kaa oo ay shaqadiisu haatan socoto.

Wafdiga wasiirka ayaa dugsiga hoose dhexe kulan kula qaatay guddiga waxbarashada magaalada xaabbo kuwaa oo masuuliyiinta uga warramay waxbarashada deegaanka, caqabadaha jira iyo baahiyaha dhanka waxbarasho ee deegaanku qabo.

Dhanka kale wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa waxa uu tagay dugsiga hoose Dhexe ee deegaanka Geesalay, isagoo isla dugsiga kulan kula qaatay masuuliyiinta waxbarashada deegaanka.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.