Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho (VIDEO)

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo qaraxaasi ahaa mid laga maqlay degmooyin badan oo  ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye uu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu xasay inay ku dhinteen Labo ruux oo uu kamid yahay ruuxii ismiidaamiyaha ahaa, halka dad ku dhow 30 qof ay ku dhaawacmeen.

https://www.jowhar.com/news/dowlada-oo-ka-hadashay-qarax-maanta-ka-dhacay-muqdisho.html?feed_id=20300&_unique_id=60bba7de20b62&fbclid=IwAR071QI6M2kntQ05hD1EIjn3j8rt7vSylU4Gzh1WR83I_ME1cm2Jzt96cbA