Diiwaangalinta codbixiyaha Doorashooyinka Puntland ee degmadda Eyl oo lasoo gaba-gabeeyay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ee degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, taas oo socotay 19-May ilaa 4-June oo ku beegnayd jimcihii.

Diiwaangalinta ayaa ka dhacday gudaha degmadda Eyl, iyo deegaanada iyo miyiga hoostaga. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in shaqaalahooda ay tageen dhulka miyiga fog ah ee degmadda Eyl ayna diiwaangaliyeen dadka Reer guuraaga ah, si ay u helaan xaqooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inay guda gali doonaan tirinta Tirada dadka is diiwaangaliyay iyo sameynta kaararkooda codbixinta, ayna kulan isugu imaan doonaan xubnaha sare ee Guddiga TPEC si ay u Iclaamiyaan waqtiga ay dhacaysa Doorashada hordhaca ah ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Jibril Qoobey