Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo gaaray deegaanka Kulub oo ciid qarisay (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo safaro shaqo ku marayey Deegaanada Gobllka Mudug ayaa Safar ku gaaray Deegaanka Kulub.

Waftigan oo ay qayb ka ahaayen Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug Cabdulaahi Cabdi Nuur, Gudoomiyaha Deegaanka Garacad iyo siyaasiyiin, Dadka deegaanka ayaa uga warbixiyey Gudoomiyaha xaalada deegaanka, Amniga, caafimaadka iyo Ciid fara ba’an ku haysa Deegaanka.

Gudoomiyaha oo kormeer luga ku dhex maray Deegaanka kulub ayaa balan qaaday ka dowlad ahaan in ay doorwayn ka qaadanayaan saarista ciid tuurtyada.