Madaxweynaha Puntland “Urur Siyaasadeedka KAAH wuxuu noqon doonaa heer Federaal” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka Kaah ee uu hoggaamiyo uu doonayo inuu noqdo Xisbi Siyaasadeed ka dhisan guud ahaan Soomaaliya, marka la dhameystiro hanaanka Axsaabta badan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu kula qaatay magaaladda Qardho (2-June), Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Ururka KAAH ee Gobalka Karkaar, isagoona xusay in aysan ku koobnaan doonin Puntland, balse ay u gudbi doonaan heer Feder.

Urur Siyaasadeedka Kaah maanta waa Puntland, laakiin qorshihiisa waxaa la rabaa inuu noqdo Xisbi siyaasadeed oo Soomaaliya, kuma koobnaan doono halka marka nidaamka siyaasiga ah ee heer Federaal uu fariisto” ayuu yiri Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni.