Madaxweyne Deni “Puntland tiirkii ugu dambeeyay ee saldhiga u ahaa ayay cagta saartay” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka hadlay hirgalinta Hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland iyo muhiimada ay lee dahay qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qabashada doorasho qof iyo cod ah ay tahay tiirkii ugu dambeeyay ee dhismaha Dowladnimada Puntland, ayna fulintiisa horey ugu yimaadeen duruufo adag.

“Puntland tiirkii ugu dambeeyay oo maalintii la aas-aasay saldhiga u ahaa, oo ahaa in dalkan uu galo doorasho qof iyo cod ah, oo duruufo kala duwan dib u dhig-dhigayeen ayay maanta cagta saartay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Jibril Qoobey