Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo caga-jiidaya magacaabista xubnahooda Guddiyada Doorashada

Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ka cagajiidaya magacaabista xubnaha ku matalaya saddexda Maamul Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo hore loogu eedeeyay inay doorasho diid yihiin, oo aysan magacaabin Guddiga doorashada in muddo ahna ay ka caga jiidayeen intii uu jiray khilaafkii ka taagnaa doorashada ayaa gudbiyay liiska guddiyada doorashooyinka.

Saraakiil kamid ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo uu culeys ku saarayo Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe in aysan muddo magacaabin xubnaha Guddiyada farsamada Doorashooyinka, sidoo kalena aysan is bedel ku sameyn xubnaha la diidan yahay.

Waqtigii loo qabtay in lagu saxo liiska guddiyada doorashooyinka ayaa soo dhamaatay iyadoo weli aan xal laga gaarin guddiyada doorashooyinka waxayna taasi sababi kartaa in heshiiskii 27 may ee ahaa in lagu qabto doorashada muddo labo bilood gudaheed ah aysan suurtogelin.

Idilnews