Somaliland oo joojisay inay debaal-dagaan musharixiinta ku guuleysta doorashada (VIDEO)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in aanay qabsan wax debbaal dagyo ah.

Wasiir Kaahin ayaa joojinta debbaal degyada musharixiinta guulaysatay ku sababeeyay in la ilaalinayo niyada musharixiintii aan doorashada ku guulaysan  iyo cod bixiyayaashi anay musharixiintoodu guulaysan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in debbaal dagyadu ay keeni karaan nabad galyo daro sida darteedna loo bahanyahay in la joojiyo, wuxuna ugu baaqay xisbiyada iyo musharixiinta in ay ka fogaadaan wixi nabad galyada dhawici kara.