Tirada kiisaska cudurka COVID-19 ee UK oo korortay

Xafiiska tirakoobka qaranka ee waddanka Ingiriiska ayaa xog uruurin uu sameeyay ku sheegay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunka COVID-19 ay kor u kacday ilaa iyo saddex meelood laba meel.

100’000 oo qof ayaa xanuunka laga helay ilaa 29-kii bishii May, iyadoo todobaadkii ka horeeyeyna tirada dadka laga helay ay aheyd 60’000 oo qof, waxaana badi dadkan laga helay nuuca xanuunka ka yimid India oo soo gaaray Ingiriiska.