Wasiirka Waxbarashada Puntland oo gaaray degmada Murcanyo ee Gardafuu (VIDEO)

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Tabaradada Macalimiinta iyo Farsamada Gacanta Abdulaahi Axmed Maxamud, masuuliyin ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo wafti kale oo uu hogaaminayo ayaa safar ku taggay degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafue.

Wasiir Cabdilaahi iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa kormeeray xarumaha waxbarashada ee degmadda Murcanyo, iyagga oo bulshada deegaanka ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud iyo baahiyaha jira ee la xiriirta xagga waxbarashada.