Akhriso: Barkhad Batuun oo guul taariikhi ah ka gaaray doorashada Somaliland

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada gobolka Maroodi-Jeex ee sida aadka loo sugayay iyadoo uu ahaa gobolka uu ugu dambeeyay ee Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa looguu kala guuleystey sidan hoos ku qoran;

Kulmiye: 8 kursi

Waddani: 7 kursi

Ucud: 5 kursi.

Xubnaha ku guuleystey kuraasta ayaa waxa ka mid ah Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo xisbiga Wadani ka tirsan,Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

Guud ahaan kuraasta Wakiilada cusub ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleytey rag iyadoo aysan dumarka wax xubin ah ku lahayn.

Magacyada xubnaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex

Kulmiye

1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.

Waddani

1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
7. Ibraahin Maxamed Jaamac.

Ucid

1.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
2. Maxamed Khadar Daahir Mooge
3. Maxamed Jaamac Ismaaciil
4. Maxamed Cismaan Maxamed
5. Maxamed Xasan Siciid

Natiijada doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa oo lagu dhawaaqay ayaa xisbiga Wadani waxaa uu ka helay 7 xubnood,Kulmiye 6 xubnood halka uu UCID ka helay 4 xubnood.

Magacyada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Waddani

1. Cabdikariin Axmed Mooge
2. Yaasiin Cumar Yare .
4. Faysal Cabdiraxmaan
5. Cabdi Maxamed Faarax
6. Mawliid Maxamed Giire
7. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed.

Kulmiye

1. Aadan Jaamac Modeeye
2. Siciid Jaamac Cali
3. Cabdiraxmaan Soltelco.
4. Jamaal Cismaan Cabdille
5. Axmed Juxa
6. Maxamed Abiib Siikaawi.

Ucid

1. Siciid Cabdisamed Cudhay
2. Xuseen Ibraahim Askar
3. Cabdikariin Xasan Garas
4. Khadar Axmed Cumar