Mexico: Dad lagu la’ yahay god ay ka qodayeen dhuxul

Saraakiisha badbaada Rayidka ee Maksiko ayaa sheegay in hal qof uu dhintay lix kalana lagu la’yahay kadib markii uu ku dumay godkii ay ka qodayeen dhuxusha.

Saraakisha waxa ay rumaysan yihiin in arintaasi ay sabab u tahay dadaad xoogan oo ku dhuftay wadankaasi.

Wali waxaa soconaya baadi goobka shaqaalahasi dhuxusha qoda sida ay tilmaamtay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dalkaas