Puntland iyo Galmudug oo iska kaashanaya Arrimaha Caafimaadka Gaalkacyo (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Galkacyo ayaa booqday cisbitaalka guud ee Konfurta Galkacyo.

Wasiirka ayaa booqashadiisu waxay daarnayd sidii labada wasaaraddood iskaga kaashan lahaayeen adeega caafimaad ee magaalada Galkcayo.

Shir ay wada qaateen ayna ka qaybgaleen labada wasiir iyo masuuliyiinta caafimaadka ee labada dawladood uqaabilsan gobolka Mudug ayaa la isku afgartay sidii kor loogu qaadi lahaa adeega caafimaad ee gobolka loogana wada shaqayn lahaa iskaashi xoogan oo laga helo magaalada Galkacyo iyo deegaanada ku dhaw.