Sacuudiga oo xiray 130 qof oo qaba Cudurka COVID-19

Laamaha amaanka Sacuudiga ayaa xiray 130 qof oo la sheegay in ay baalmareen talaabooyinka xakameynta cudurka Covid-19 iyo in la karantiilo maadama laga helay cudurkaasi.

Wakaalada Waas waxa ay sheegtay in 53 qof lagu xiray magaalada Madiina Al Munawara,54 kale oo lagu xiray Gobolka Jazan iyo 5 lagu qabtay xadka dhinaca waqooyi iyo 18 oo laga soo xiray deegaanka Tabuuk.

Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka sida weyn iskaga ilaalinaya faafitaanka cudurka covid 19 maadama cudurkan uu saameyn xooggan ku yeeeshay caalamka oo dhan.