Wararkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Puntland oo isku-shaandheynaya Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo isku-shaandheyn balaaran oo uu ku sameeyay Golaha Wasiirada Puntland, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweyne Said Abdullahi Deni oo sabtidii dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe, ayaa bilaabay kulamo iyo wada-tashiyo ku aadan isku-shaandheynta Xukuumadda uu hoggaamiyo oo jirsatay 2 sanno iyo 6 bilood.

Wararka ayaa sheegay in isku-shaandheynta Golaha Wasiirada ay saameyn doonto saaxiibada dhow ee Madaxweynaha, kuwaas oo qaarkood laga wareejin doono Wasaaradaha ay haatan joogaan, lana geyn doono Wasaaraddo cusub.

Idilnews