Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan katirsan Gobalka Sh/hoose

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Warmaxan oo udhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanllaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay deegaanka Warmaxan, iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicid, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sraaakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Warmaxan.

Idilnews