Farmaajo oo bilaabay qorshe ka dhan ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bilaabay olale uu doonayo inuu saameyn ugu yeesho magacaabista Guddiyada farsamada doorashooyinka ee labada heer, kana imaanaya Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Sida ay Idilnews ogaatay, Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay u soo magacaabi lahayeen xubno daacad u ah.

sidoo kale Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa xariir la sameeyay Ali Gudlawe Hussein oo ku sugan Jowhar. Farmaajo oo haatan ku jira go’doon siyaasadeed ayaa wadda qorshayaal uu ku fashilanayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, taas oo looga digay Ra’iisul Wasaaraha.

Idilnews