Hoggaamiyihii kooxda Boko Haram oo is qarxiyay

Hogaamiyihii kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee ka dagaalanta dalka Nigeria ee Boko Haram Abubakar Shekau, ayaa dhintay, sida ay wararku sheegayaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay maqashay cod laga duubay, oo ay sameeyeen kooxda ka soo horjeedda Boko Haram ee la magac baxday “Islamic State West African Province (ISWAP)”, oo sheegtay in Abubakar Shekau uu dhintey 18-kii May.

Geerida Abubakar Shekau ayaa timid kaddib markii uu isku xiray walxaha qarxa, sida uu sheegay qof duuban oo isku sheegay inuu yahay hogaamiyaha ISWAP Abu Musab al Barnawi.