Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Agaasimaha Madaxtooyada Puntland

Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo xilka qaadis qarka usaaran,kadib shaacinta xubnihii Gudiga Doorashada.

Gudigii doorashada ee loo diray Xaafiiska RW,,ayaa ahaa kuwo uusan Madaxweynuhu waxba ka ogayn diristooda,waxaana si iskiis ah ugu fududaaday Agaasimaha Madaxtooyada.

Markii Agaasimaha la waydiiyay sababta uu usii daayay waxaan cidna la ogayn oo aan si rasmi ah layskugu raacin magacaabistooda,wax jawaab ah oo lagu qanci karo waa sheegi waayay,sida warku xaqiijinayo.

Madaxweyne Deni oo aad uga carooday hab dhaqanka Agaasimaha,ayaa ka daba tagay xubnahaas la gudbiyay.

Sidoo kale Deni si deg-deg ah,ayuu uqoray wareegto xilka qaadis ah,balse intii aan la shaacin waxgarad dadaal ka galay waxay ku guulaysteen in la hakiyo.

Sida aan xogta ku helay ilaa iyo hada Madaxweyne Deni waa lagu qancin la’a yahay ka noqoshada xilka qaadista Agaasimaha Madaxtooyada.

Agaasimaha,ayaa markii horeba lagu dhaliilayay in uusan shaqadan udiyaarsanayn kana bixi karin.

Jibril Qoobey.