Ra’iisul Wasaare iyo Safiirka Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ku kulmay (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada Masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Idilnews