VIDEO: In ka badan 30 Ruux oo ku dhimatay Shil tareen

Laba tareen oo xawli ku socday ayaa isku dhacay koonfurta Pakistan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistaan.

Saraakiisha Caafimaadka ee tuulooyinka ayaa  ka shaqeynaya sidii ay u soo saari lahaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee kujira burburka tareenada hoostooda ah.

Ilaa 25 rakaab ah ayaa wali ku xayiran burburka tareenka Millat Express masuuliyiintuna waxay isku dayayaan inay abaabulaan mashiinno culus si loo soo badbaadiyo dadkaas oo dalbanaya in la caawiyo, ayuu yiri Umar Tufail, oo ah taliyaha booliska ee degmada Ghotki ee gobolka Sindh, halkaas oo uu shilka ka dhacay.

Muuqaalo lagu duubay taleefanka gacanta ah oo laga daawaday telefishanka kana soo muuqday goobta ayaa waxa ka muuqday bur-burayka tareenada iyo dad dhinacyadooda jiifa oo loo maleynayo inay dhinteen.

Muuqaalada TV-ga ayaa muujinayay gawaarida gurmadka deg-degga ah oo qaadaya dhaawacyada rakaab isbitaalada si loogu daaweeyo, iyad aoo ay jiraan dad ku hoosjira tareenada Shilka galay.

Shilalka tareenada ayaa dhowr jeer ka dhacay Gudaha dalka Pakistan, waxaana bishii Oktoobar ee sanadkii 2019 uu dab qabsaday tareen ka baxay magalada Karachi, iyada oo ay  ku dhinteen 75 ruux halka laba tareen oo isku dhaay Magalada Karachi sanadkii 2016-kii  ay ku dhinteen 21 qof.