VIDEO: Jubbaland iyo AMISOM oo ka wada-hadlay dardar-galinta Amniga (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dawlad Goboleedka Jubblanad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay shirka golaha amniga Dawlad Goboleedka Jubblanad, waxaana shirka ka soo qayb galay qaar kamid ah wasiirrada Dawlad Goboledka Jubblanad iyo taliyeyaasha laamaha amniga Jubbaland iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Shirkan oo bishiiba mar la qabto waxaa qodobbadii lagaga hadlay kamid ahaa dardargalinta amniga deegaannada Jubblanad iyo u diyaargarowga sidii loo sugi lahaa amniga doorashada dalka gaar ahaanna tan xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.