VIDEO: Puntland oo marti-galisay Shir looga hadlayo mideynta Miisaaniyadda Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa maanta furay shir ku saabsan hagaajinta shax xisaabeedka iyo soo saarista qaab xisaabeed isku mid ah guud ahaan maamulada dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobalka Banaadir.

Ugu horayn Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Cumar Saalax Aadan ayaa sheegay in mudada uu shirkan socdo xooga lagu saari doono in lasoo saaro shax xisaabeed lagu midaysan yahay,wuxuuna faahfaahiyey qodobada uu shirku xooga saari doono.

Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan ayaa isaguna sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay guud ahaan dalka laguna go’aamin doono habka loo diyaarinayo Miisaaniyadaha iyo Xisaab xirada dalka.

Ugu danbayn Wasiir Xassan Shire Cabdi ayaa kula dardaarmay kooxda farsamayaqaanada ee shirku u furmay inay soo saaraan nidaam xisaabeedkii uu dalku ku shaqayn lahaa, isagoo Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan mas’uuliyiinta qaybaha kale ee dalka ka socda.