Booliska Puntland oo Askar iyo dad shacab ah u xiray dil ka dhacay Garoowe (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Gobalka Nugaal, dil dhowaan ka dhacay duleedka Garoowe, dad ku howlan boobka dhulalka iyo howlgallo Ciidanka Boolisku kusoo qabteen kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in howlgallo ay Ciidanka Boolisku ka sameeyeen deegaano kamid ah Gobalka Nugaal ay kusoo qabteen kooxo ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo qeybtood laga soo qabtay gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa digniin u diray kooxaha ku howlan boobka dhulka oo kusoo badanaya magaaladda Garoowe, isagoona sheegay inay fulin doonaan Amarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ee ah in sharciga lala tiigsado dad ku howlan boobka dhulalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Booliska Gobalka Nugaal uu Askar iyo shacab u xireen dil ka dhacay duleedka magaaladda Garoowe, isagoona sheegay inay wadaan baaris ku aadan dilkan, maadama dhinacyada la hayo isku tuurtuureen.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa fariin u diray dad hubka ku dhex qaata magaaladda Garoowe, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin falalka ammaan-darro, waxaana uu xusay inay talaabo adag ka qaadi doonaan.