Deni “Cid kasta oo Ciidanku dilaan iyadoo dhul boobeysa Dowladda looma qabsan karo” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa tilmaamay in cid kasta oo ay dilan Ciidanka Dowladda iyadoo ku howlan dhul boob, aan loo soo raacan karin Dowladda.