Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ee 3 degmo oo lasoo gaba-gabeeyay (VIDEO)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa isniintii soo gaba-gabeeyay diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka degmadda Ufeyn ee Gobalka Bari, taas oo ah degmadii u dambeysay ee ay ka socotay diiwaangalinta saddexda degmo ee lagu qabanayo doorashada hordhaca ah ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Guddiga KMG ah ee TPEC ayaa sheegay inay bilaabayaan tirinta tirada Dadka is diiwaangaliyay iyo sameynta kaararka codbixinta, ayna xubnaha Sare ee Guddigu ka shirayaan iclaaminta waqtiga ay Shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u dareerayaan doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guled Salah, ayaa sheegay inay si wanaagsan kusoo dhamaatay diiwaangalinta saddexda degmo, waxaana uu u mahadceliyay Dadweynaha is diiwaangaliyay iyo howlwadeenada Guddiga.

Jibril Qoobey