Faallo: Maxay yihiin Afarta arrimood uu Abiy Axmed ku guuleystay ?

Ethiopia's Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)

Tani iyo marki uu Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu 2018-kii majaraha dalkaasi qabtay, waxaa lagu ammaanay inuu yahay hoggaamiye nabadeed oo la yimid dardar cusub oo dhaqaale, iyada oo dalkaasi uu caan ku yahay cabudhin iyo saboolnimo ba’an.

Abiy Axmed wuxuu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee ‘Noble Peace Prize’ kaddib markii uu 2019-kii uu soo afjaray dagaalki xadka ee Itoobiya iyo Eritrea u dhaxeeyey, balse wixii intaa ka dambeeyey waxaa lagu dhaleeceeyaa ficillada ay dowladdiisa ka sameysay dagaalka Deegaanka Tigraay iyo inuusanka dhabeyn barnaamijyadiisa dib u habeynta u horay u ballan qaaday.

Wuxuuna marki ugu horreysay uu ka qayb galayaa doorashadi guud ee ugu horreysay, oo loo asteeyey iney qabsoonto 21-ka bisha June.

Haddaba waxaan eegeynaa qaar ka mid ah sheegashooyinkiisii ugu muhiimsanaa xilligi uu ku jiray ololihiisa doorashada ilaa iyo hada.

‘Ku dhawadaa 45,000 oo maxbuus uu sii daayey’

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay Itoobiya muddo dheer ku soo eedeynayeen iney xabsiga u taxaawdo mucaaradka dowladda ka soo horjeeda.

Balse Abiy sanadkii ugu horreeyey uu xilka Ra’isal wasaaranimada qabtay wuxuu xabsiga ka sii daayey maxabiisti siyaasadeed oo xabsiyada dalkaasi ku jiray.

Fiseha Tekle oo ah Cilmi-baadhe ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, wuxu sheegay tirada rasmiga ee maxabuusta la sii daayey iney la hayn balse ay ku dhow yihiin ilaa iyo 45,000.

Inkasta oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka qaarkoodna xabsiga loo taxaabay Abiy Axmed inta uu talada dalkaasi qabtay.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanahana waxay shegeen iney hayaan caddeymo muujinaya kumannaan dad in la xiray.

“Caddeymo ay hay’adda Amnesty International ka soo uruurisay xabsiga ‘Tollaay’, waxay muujineysaa ugu yaraan 10,000 oo maxbuus iney xiran yihiin iyada oo xabsi wadareedki ugu horreeyey uu billaawday January 2019 uuna socday ilaa iyo September 2019-ka,” ayey tiri Amnesty.

“Si la mid ah, maxbuus hore oo ku xirnaa xabsiga Sanqale (oo ah xaruun booliska lagu tababatro) dadka halkaasi ku xirnaa wuxuu ku qayaasay ugu yaraan 2,000 oo qof.”

2020-kiina komishiinka xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in 9,000 oo qof la xiray marki ay dhaceen rabshadihi ka dhashay dilkii loo geystay fannaankii caanka ahaa ee qowmiyadda oromada Hachaalu Hundessa.

“Sii deynta kumanaanta maxaabiis siyaasadeed ee bilihii ugu dambeeyay ee maamulkii hore iyo bilooyinkii ugu horreeyay uu Abiy xafiiska joogey waxay ahaayeen kuwa la yaab leh, balse weli howsha fari kama qodneen,” ayey tiri Laetitia Bader oo horay ugu tirsaneyd hay’adda aan dowliga ahayn ee Human Rights Watch.

“Laga soo billaabo bartmaha 2019-kii marki uu dhacay falki ay dowladdu ku sheegtay afgambi ka dhacay deegaanka Amxaarada, dowladda dhexe ee dalkaasi waxay billaawday siyaasiyiinta mucaradka iney xirxirto.”

“Arrintaasi oo sii socotay laga soo billaabo 2020-kana waxaa la xirxiray siyaasiyiin mucaarad ah oo caan ah, taageerayaashooda iyo qaar ka mid ah qoysaskooda, wariyeyaal iyo fannaaniin.”

‘Biya xireenka oo Suudaan fatahaad ka badbaadiyey’

Biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso wuxuu ku yaallaa Nile-ka buluugga ee maraya xadka Waqooyi-galbeed ee ay Itoobiya la wadaagto Suudaan.

Mashruucan oo ay dowladda Itoobiya sheegtay inuu door lixaad leh uu ka qaadanayo horumarka dalkaasi, maadaamaa mashruucaasi uu dalku ka helayo quwad koronta oo aad u badan.

Inkasta oo mashruucaasi uu xiisad iyo khilaaf xooggan uu ka dhex abuuray waddamada uu wabigaasi maro, gaar ahaanna dalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Faa’idooyinka uu leeyahay mashruucan ee ay Itoobiya ku andacooneyso waxaa ka mid ah inuu waddamada Itoobiya ka hooseeyo uu ka badbaadinayo fatahaad gaar ahaanna dalka Suudaan.

Si kastaba ha noqotee, sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii ugu horreysay ee la buuxiyay biyo xireenka bishii Luulyo, wabiga Nile waddamada Itoobiya ka hooseeya wuxuu ka abuuray fatahaad. “Fatahaadaha Suudaan waxay dhaceen bilaha Augsut ilaa September 2020. Muddadaas, biyo xireenka GERD wax faragalin ah kuma yeelan qulqulka biyaha wabiga ama daadadka Sudan,” ayuu yiri Mohammed Bashiir, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacada Manchester.

Heerarka biyaha ayaa markii hore hoos uga dhacay Suudaan maadaama kaydku buuxsamayay, laakiin markii uu biyo xidheenku awood yeesho, wabiga ayaa ku soo laabtay heerkiisii hore ee dabiiciga.

Suudaan guud ahaan mashruucaasi wey taageersan tahay, balse “waxay walaac ka qabtaa saameynta fatahaadda uu biyo-xireenkaasi mustaqbalka yeelanayo, si loo maareynayo biyo xireenka iyo kaalinta kormeer ee ay Suudaan ku leedahay, ayuu yiri Bashiir.

Itoobiya waxay sheegtay muddo laba sana ah in lagu beeray 9 balyan oo geed,

‘Muddo afar sana ah waxaan ku beereynaa 20 balyan oo geed’

Barnaamijkan dhireynta ee dalka Itoobiya 2018-kii waxaa ku dhawaaqay ra’isal wasaare Abiy, isaga oo sheegay qorshaha inuu yahay sanad walba ilaa iyo 2022-ka in la beero 5 balyan oo geed.

Dowladdu waxay sheegtay olole dhir beeris oo la sameeyey 2019-kii in dalka oo dhan lagu beeray inkabadan 4 balyan oo geed, iyada oo maalin keli ah lagu beeray 353 malyan oo geed.

2020-kii waxaa la beeray 5 balyan, halka qorshaha sanadkanna uu yahay 6 balyan oo geed. Dowladduna waxay isku dhabar jabineysaa sanadka soo socda in la beero 5 malyan oo geed oo dheeraad ah si yoolki dhir beerista ee horay loo qorsheeyey loo gaaro.

Sheegashada dowladda ayaa ah baltimaameed cajiib ah balse ay xaqiijintiisu adag tahay.

BBC waxay isku dayday iney raadiso xog la xiriirto dhir beeristi 2019-ki la sameeyey balse caddeymaha ay heshay ayaa ah kuwa xaddidan.

Tirada dhirta la beeray ayaa ah inta ay dowladda Itoobiya sheegtay balse ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta.

Sida oo kale waxay caqabad weyn ka jirtaa dhirta la beeray iney baxdo ama sii noolaato.

Khubarada arimaha deegaanka waxay sheegeen qayaas ahaan 30% dhirta sanadki hore la beeray ay dhici karto iney baxday, halka uu Abiy 2020-ki sheegay dhirti la beeray 2019-kii 84% iney baxday.

‘Isgarsiinta dalkaasi ayaan madax banneyneyna’

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay shatiyada isgaarsiinta madaxa bannaan bixisay iyada oo ‘heshiiskaaasi qarniyo laga dhuursugayey’, tallaabbadaasi oo ka mid ah isbeddellada Abiy uu hormuudka u yahay.

Xukumaddiisuna ayaa 2018-kii shaaca ka qaadday in isgaarsiinta dalkaasi oo dowladda oo keli ah u xirneed la madax banneynayo. Shirkadda Ethio_telecom oo ay dowladdu leedahay ayaa ah shirkadda keli ee isgaarsiin ah ee dalkaasi ka jirta balse isku day uu isgaarsiinta ku madax banneynayo wuxuu kala kulmay caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale iyo khubarada oo aad ugu yar.

Qorshaha cusub ee dowladda Itoobiya ayaa wuxuu yahay iney saamiyada Ethio-Telecom ay iibiso shatiyo isgaarsiineedna ay siiso shirkadaha caalamiga ah ee buuxiya shruudaha ay dowladda ku xulaneyso.

Balcha Reba, agaasimaha guud ee Ethiopian Communications Authority, ayaa hoggaaminaya dib u habeynta dhanka isgaarsiinta ee dalkaasi ka socda

Hase yeeshee muddadi loo qabtay in isgaarsiinta dalkaasi la madax banneeyo oo ku ekaa bishii April waxaa ka dib dhacay qorshaha ay dowladda wadday.

Bisha May leysan la siiyey shirkadda isgaarsiinta ee MTN dowladda wey kala laabatay, halka leysanka labaad la siiyey shirkad loogu magac daray Global Partnership for Ethiopia.

Bruuk taye oo ah la taliyaha sare ee wasaaradda maaliyadda wakaaladda wararka ee Reuters wuxuuu sheegay dib u dhaca arrintan ay uga wacan tahay in isgaarsiinta dalka oo la madax banneeyo ay u baahan yihiin shuruud aad u adag.

Shirkadaha kale ee ay dowladda Itoobiya leedahay ee la damacsanaa qayb ka mid ah in lagu wareejiyo ganacsatada madaxa bannaan waxaa ka mid ah shirkadda diyaaradaha Itoobiya, balse qorshahaasi waxay dowladda ka laabatay sanadkii hore.

Xigasho: BBC