Golaha Congress-ka Mareykanka oo si kulul u cambaareeyay Abiy Ahmed

Guddiga Arrimaha dibada u qaabilsan Gollaha wakilada Maraykanka ayaa warbixin kasoo saaray xaalada Itoobiya, waxayna warbixinta kusoo koobeen qoddobadan hoose:-

1) Dawladda Itoobiya waxay usoo jeediyeen innay balan qaadkeedii oofiso, oo ay ciddamada Eritrea Tigreega ka saarto.Waxayna si addag u cambaareyen gabood fallo ay sheegeen innay ka dhasheen dagaalka waqooyi.

2) Wallow xiisadda waqooyi toddobo bilood socotay haddana waxay sheegen innuusan wax is baddal ah muuqan, islamarkana loo baahan yahay xal degdega in la keeno.

3) Waxay soo jeediyeen in xabbad joojin la sameeyo, islamarkaana dhinacyada is hayaan wadda hadlaan.

4) Waxay sheegen in dagaalka waqooyi ay ku barakaceen 1-Million oo qof, waxayna xuseen in shan milyan macluul saameysay, iyagoo ka digay in arrintan geeska Afrika saamayn karto.

5) Waxay soo jeediyeen in Qaramada Middoobay iyo komishinka xuquuqul insaanka Itoobiya loo ogolaado innay baadhitaan ku sameeyaan tacasiyadii ka dhacay Tigreega.

6) Ugu dambayn waxay wallaac ka muujiyeen Doorashada Itoobiya, waxayna sheegen innaysan noqon karin doorasho cadcadaan leh oo xor ah, marka la eego caqabaddaha dalka ku gadaaman.

Xigasho: VOSS TV