Puntland oo kala wareegtay Hay’adda WHO Haamo Oxygen ah (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa kala wareegay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO 73 Haamaha Oxgenta oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka COVID-19.

Wasiir Jaamac Faarax Xasan ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WHO garab istaageeda ku aadan Arrimaha Hormarinta Caafimaadka Puntland iyo la-tacaalida cudurka COVID-19.

“ Waxaan uga mahadcelinayaa WHO maanta inaan kala wareegno 73 Haamaha Oxgenta oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka Covid19, waxaana wasaaraddu dhawaan keeni doontaa warshadaha Oxygenta soo saara oo la dhigi doono magaalooyinka waaweyn ee Puntlnd si loo yareeyo yaraanta Oxygenta.” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan.

Idilnews