QM oo sheegtay in Ciidammo Soomaali ah ay ka qeybgaleen dagaalka Gobalka Tigreega

This image made from undated video released by the state-owned Ethiopian News Agency on Monday, Nov. 16, 2020 shows Ethiopian military in an armored personnel carrier, on a road in an area near the border of the Tigray and Amhara regions of Ethiopia. Ethiopia's prime minister Abiy Ahmed said in a social media post on Tuesday, Nov. 17, 2020 that "the final and crucial" military operation will launch in the coming days against the government of the country's rebellious northern Tigray region. (Ethiopian News Agency via AP)

Warbixinta Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqul insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray.

Warbixinta oo ka koobneyd illaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Itoobiya

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.