Sawirro: Wasaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO oo kulan ku yeeshay Garoowe

Waxaa maanta ka dhacay qol weynaha wasaaradda caafimaadka Puntland shir balaaran oo ay wada qaateen madaxda wasaaradda iyo wafti balaaran oo ka socday Hay’adda caafimaadka Aduunka (WHO) oo uu hogaaminayay madaxa WHO ee soomaliya
DR. MALIK shirkaan ayaan ku saabsanaa siidi loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysay wasaaradda iyo WHO.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud agaasimaayaasha waaxyaha iyo inta badan madaxda xafiisyada kala duwan ee waasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka ugu horayn ka hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxda hay’adda WHO wasaaradda waxaana uga mahadceliyay booqashadooda.

Madaxa hay’adda WHO Soomaliya Dr Malik oo isna shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan soo booqdo Puntland waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka soo dhawayntoodi iyo sida wangsan ee aan uwada shaqayno waxaan ku raja weynahay kulanka maanta inuu noqdo mid mira dhala horayna usii wada xiririkii wanaagsanaa ee aan wada lahayn, waxaan balan qaadayaa inaan horumarino dadaalka aan wadno.”

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo isna shirka furay ayaa yir:-
“ Waxaan idinku soo dhawaynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Malik adiga waftiga balaaran ee aad hogaaminaysid, waxaan sidoo kale idinka mahadcelinayaa wadashaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda waxaana rajaynayaa shirkaan inay ka soo baxo natiijo kor loogu qaadayo xiriirka.”

Shirka ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee sanadka 2021 waxa qabsoomay 6 bilood ee lasoo dhaafay iyo waxa la rajaynayo in la qabto inta sanadka ka dhiman.