UK oo jareysa kaalmadii ay siin jirtay dalalka saboolka ah

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa dirqi kaga badbaaday in ay qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ee Baarlamanka kahor yimaadaan qorshe ay dowladiisu ku dooneyso in ay ku yareyso gargaarkii Ingiriisku uu siin jiray waddamada saboolka ah.

32 xildhibaan oo ay ku jirto Ra’isul Wasaarihii hore ee Britain Theresa May iyo afar wasiiir ayaa taageeray qorshe lagu diidayo 4 bilayn oo laga dhimay deeqihii dowladu bixin jirtay, soona jeediyey in baarlamanka lahor keeno.