Akhriso: Midowga Musharixiinta oo fariin u diray Ra’iisul Wasaare Rooble

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si looga saaro xubnaha shaqaalaha rayidka, saraakiisha ciidanka iyo xubnaha kale ee Khilaafka uu ka taagnaa.

Waxaa Midowga Musharaxiinta ay soo jeediyeen si shaqada guddiga xaqiiq raadinta ay u noqoto mid keenta xal mira dhal oo dhaqan gala, wuxuu Golaha dalbaday in guddiga si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigo habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.