Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay deegaanka Daaynuuneey

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lee yihiin Deegaanka Daaynuuney, oo ku dhow magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay baahiyeen ku sheegay inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Daaynuunaay, ayna guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed. Ma jirto ilaa hada war kasoo baxay Saraakiisha Dowladda oo ku aadan warka Al-Shabaab.

Jibril Qoobey