Ciidanka Dowladda oo howlgallo ka sameeyay deegaano kamid ah Gobalka Hiiraan (Sawirro)

Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Deegaanada howgalka xooggan uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wado Hirshabeelle kaas oo Al-Shabaab looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaa sifeynta ah ayaa Warbaahinta Dowladda egay in horumar weyn laga sameeyay howlgalka.