Duulimaad caalami ah oo laga daah-furay garoonka diyaaradaha Boosaaso (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka daah-furay garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso duulimaad caalami ah oo si toos ah isugu xiri doona magaaladda Sharjah ee Dalka Imaaraadka Carabta iyo magaaladda Boosaaso.

Duulimaadkan oo ay soo kordhisay Shirkadda duulimaadyada Halla Airlines, ayaa bixi doona todobaad kasta maalinta Talaadada ah.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa sheegay inay ka go’an tahay Wasaaradda hormarinta duulimaadyada diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee deegaanada Puntland.

“Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod dadka reer Puntland ee ukala safraya dunida dacaladeeda” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada Puntland.