Mashruuca casriyeynta garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la daah-furayo

Munaasabad lagu daah-furayo Mashruuca balaarinta garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso, ayaa maanta lagu qabanaya Boosaaso, kaas oo lagu soo bandhigayo dhismaha Terminaalka iyo kordhinta Jidka diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso.

Puntland iyo shirkadda TISL, ee laga leeyahay dalka Imaaraatiga Carabta, ayaa horey Boosaaso ugu gaaray heshiis ay Shirkaddu kula wareegayso garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaas oo dhigayay in TISL ay casriyeyn ku sameyso garoonka.

Jibril Qoobey