Sacuudiga oo Muqdisho u soo raraya Safaaradda uu ku lee yahay Nairobi

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al-Anzi.

Danjire Maxamed Cali-Nuur ayaa soo dhoweeyay wafdiga Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa xilligaan wax Safaarad ah ku laheyn Soomaaliya, waxaana Safaaradeeda Soomaaliya ay haatan si KMG ah ah ugu Shaqeeysaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.