Sheekh Shariif “Xukuumadda waxaan ugu baaqaya inay u jawaabta carruurtooda maqan tahay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hadlay warbxintii Qaramada Midoobay ee sheegaysa in Ciidammo Soomaali ah ay ka qeybgaleen dagaalka Gobalka Tigray ee dalka Itoobiya, isagoona walaac ka muujiyay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed.

“Waxaan ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia.”

“Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto baaqyada waalidiinta ubadkoodu maqan yihiin oo warbixinta lagu sheegey in ay qayb ka noqdeen dagaallo ka dhacay magaalada Agsum ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.”

“Ugu dambeyntii waxaan walwalka la qaybsanaynaa waalidiinta iyo ehelka dhalinyaradaas la la’yahay, waana arrin ay tahay in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamo madaxda dowladda ee ka dambeeyey falkaas foosha xun.”

Idilnews