Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo baaq u diray dhilanyarada (Sawirro)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari kulan kula yeeshay dhalinyarada si ay ug shaqeyaan nabadda iyo dhexgalka bulshada waxaana uu ugu baaqay in la xoojiyo nabadda iyo wadajirka shacabka isagoona uga mahadceliyay sida ay ula shaqeyeen laamaha amaanka inta ay socotay diwaangalinta.

Waxuu uga mahadceliyay dhalinyarada kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin ammaanka iyo horumarka bulshada gobolka Bari, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorkooda diyaarna uu ula yahay waxkasta ay uga baahdaan dhalinyarada dhiniciisa.Taliye Xuseen ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo.

Waxa uu intaas ku daray in dhalinyarada waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadda iyo in cadowga wadajir looga hortago.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Gobalka Bari ayaa odayaasha dhaqanka oo uu ugu horeeyo Beeldaje Cali Faraax uga mahadceliyay kaalin muuqata uu ka qaatay amniga iyo Nabada sidoo kale waxaa uu amanay Dhalinyarada ka shaqeeneesay Diwaangalinta Degmada Ufeyn.