Wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la daah-furay (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta daah-furay wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo balaarin iyo casriyeyn lagu sameynayo.

Munaasabadda daahfurka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobalka Bari, Duqa degmadda Boosaaso, Isimo, Ganacsato, Madax ka socotay Shirkadda TISL ee dhisaysa garoonka iyo marti sharaf kale.

Wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka kooban;

-Runway-ga 800m ayaa lagu darayaa.

-Taxiway iyo aprone ka oo labalaarinayo.

-Nalka Runwayga ee diyaradahu habaynki kusoo dagaan.

-Wadada garoonka oo laami laga dhigayo.

-Parking ka baabuurta oo si casri ah loo dhisayo.

-Custom Terminal (terminal gara oo cargo gu ka dago).

-Airplane hanger (laba qaybood oo wawayn).

-Terminal ka oo la castiyeyn doono.

-Fencing cusub ( garoonka oo silig cusub lagu wareejiyo).