Wasiirka Waxbarashada Puntland oo dhagax-dhigay dhismayaal lagu kordhinayo Iskuulka Xumbabays (Sawirro)

Waftiga wasiirka waxbarashada oo maalmahan safaro shaqo ku marayay gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafue ayaa markii ay ka baxeen halkaan oo ah degmada Isku-shuban waxay gaareen deegaanka Xumbabays. iyaga oo kormeeray dhismaha iskuulka deegaanka, halkaasna waxay ka dhagax-dhigeen 2 fasal oo lagu kordhinayo, kaas oo ay hirgelintiisa si wada-jir ah isaga kaashanayaan wasaarada waxbarashada Puntland iyo Hay’ada Unicef.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Xasan oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda mashaariicda, tababarada, iyo farsamada gacanta Cabdilaahi Axmed Maxamuud iyo saraakiil ka socota hay’ada Unicef ayaa gaaray halkaan oo ah degmada Xafuun ee Gobolka Brai.

ugu horayna waxay tageen dugsigga hoose/dhexe ee sare ee Gen Cadde, kaas oo dhawaan a dhisay ka dib markii ay dumisay duufaantii Gati ee ku dhufatay xeebaha bari ee Puntland, dayactirka iskuulkaan ay ku samaysay wasaarada waxbarashada oo kaashaynaysa hay’adaha la shaqeeya ayaa sahashay in ardaydu ay sii wataan waxbaashadooda.
Wasiirka ayaa la kulmay maamulka iyo bahda waxbarashada degmada Xaafuun, isagga oo ka dhagaystay baahiyaha kale ee jira, waxa uuna tilmaamey in wasaarada yoolkeeda 1aad uu yahay in ardayda Puntland aysan marnaba waxbarashadooda kala go’o ku dhicin.

waftiga ayaa intaas ka dib u safray deegaanka Foocaar oo aan wax badan u jirin degmada Xaafuun, waxay ayna indha-indheeyeen dugsigga deegaanka oo burbur xoog leh soo gaaray ka dib markii ay saamayn xoog leh ku yeelatay duufaanti Gati.

Wasiir Cabdilaahi ayaana balan-qaaday in wasaaaradu ay kaalin ka qaadan doonto sidii dhismahaan loo dayac-tiri lahaa si ay ardaydu goob u qalanta wax ugu bartaan.

Waftiga wasiirka waxbarashada oo socdaalkooda sii wata ayaa taggay deegaanka Xandha, halkaas oo ay ka dhagax-dhigeen 2 qol oo lagu kordhinayo iskuulka, iyagoona kulamo la qaatay qaybaha kala duwan bulshada, waxay uga sii gudbeen degmada Gumbax iyaga oo kormeeray qaybaha uu ka kooban-yahay, waxayna shirar la qaateen gudigga waaliidiinta iskuulka iyo maamulka waxbarashada iyo kan degmada iyaga oo ku bogaadiyaya dadaalka ay sameeyeen, iyo sida habsamida leh ee waxbarashadu u socoto, gudigga ayaa dhankooda wasaarada uga mahad-naqay kormeerka ay ugu yimaadeen waxay la wadaageen bahidooda, wasiirkuna waxa uu tilmaamey in ay qorshayaasha ku darsan doonaan waxna ka qaban doonaan.

Ugu danbayn waftiga waxay soo gaareen magaalada Baar-gaal ee gobolka Gardafue, halkaas oo si wayn ay ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada, is-marxabayn ka dib wasiir cabdilaahi iyo masuuliyiintii la socday waxay tageen dugsiga hoose\dhexe iyo kan sare iyaga oo kormeeray, waxaana warbixin guud ka siiyay maamulka iskuulka iyo kan waxbarashada.

Intaas ka dib waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay, labo fasal oo iskuulka lagu kordhiyay Cabdiweli Cismaan Maxamed oo ah masuul ka tirsan hay’adda Unicef ayaa dhankiisa sheegay in Unicef oo kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada ay qayb ka qaadanayso sidii loo kobcin lahaa hanaanka waxbarasho ee Puntland, oo mudadii uu jiray guulo badan gaaray.

Gabagabdii waxaa madasha ka hadlay wasiirka waxbarashada Puntland Cabdilaahi Maxamed Xasan ayaa madasha ka hadlay waxa uuna xusay in safarka ay ku marayaan gobolada bari, karkaar iyo gardafue uu yahay mid lagu tayaynayo waxbarashada dhulka fog ee ka baxsan laakiin, ayna qayb ka tahay qorshe ay wasaaradu muhiimad gaar ah ku siinayso.