Booliska Puntland oo howlgallo ka sameeyay degmadda Bursaalax (VIDEO)

Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah ka Ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska ka sameeyay degmadda Bursaalax ee Gobalka Puntland.

Ciidanka Booliska ayaa intii howlgaladu socdeen baaris ku sameynayay gaadiidka soo  gala magaaladda iyo kuwa ka baxaya, waxaana sidoo kale ay gaadiidka ka fiiqayeen bacaha madow ee lagu dhajiyo, kuwaas oo ka qeybqaata falalka Ammaan-darro.

Degmooyinka iyo Deegaanada dhaca xaduudka Puntland ay la wadaagto dalka Itoobiya, ayaa kamid ah deegaanada laga soo gudbiyo maandooriyaha khamrida iyo xashiiska ee Puntland soo gala, waxaana haatan ka socda howlgallo looga hortagayo ka ganacsiga maandooriyaha.

Jibril Qoobey