Ciidanka Mareykanka oo agagaarka xeebaha Soomaaliya ka badbaadiyay 15 badmaax (Sawirro)

Ciidamada Badda Mareykanka ee ka howlgala Gacanka Cadan ayaa sheegay in ay 15 badmaaxi ka badbaadiyay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la socdey markab xamuul qaada laguna magacaabo Falcon Line kaasoo biyuhu qaadeen kana diiwaan-gishan Gabon.

Xarun ilaalin oo ka tirsan Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku wargalisay Ciidanka Badda ee Mareykanka in markab Falcon Line, oo cilad soo wajahday matoorka gacanka Cadan, ayaa lagu yiri bayaan.

“Markii lagu wargeliyay xaaladda, Patuxent wuxuu ku dhaqaaqay xawaare aad u sareeya si uu u soo badbaadiyo shaqaalaha markabka Falcon Line ka hor inta uusan markabka gebi ahaanba quusin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Shaqaalihii la soo badbaadiyay ayaa la siiyay raashin, biyo, iyo baaritaan caafimaad, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maraykanka.

Markabka 5-aad ee Maraakiibta Mareykanka wuxuu sheegay inuu hadda la shaqeynayo milkiilaha shirkadda Falcon Line iyo mas’uuliyiinta kale si loo ogaado meesha ugu wanaagsan ee shaqaalaha markabka ka soo degi karaan.

Falcon Line waa markab xamuul oo guud ahaan ka diiwaan gashan Gabon, sida ay qortay warbaahinta maxaliga ah.