Deni oo maanta magacaabaya xubnaha ku matalaya Puntland guddiyada doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta magacaabaya xubnaha Puntland ku matalaya Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu galinka dambe uu gudbin doon guddiyada labada heer, kaddib markii dib loo soo celiyay xubno si khalad ah uu ku gudbiyay Agaasimaha Madaxtooyadda Puntland.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa berri si rasmi ah u shaacin doona xubnaha guddiyada labada heer, maadama la filayo in Dowlad Gobaleedyadu ay maanta dhameystiraan xubnahooda.

Idilnews